Wasaaradda beeraha Hirshabelle oo xariga ka jartay Ceelbiyood laga hirgeliyay Jowhar.

0
158

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray ceel biyo ah oo lagu waraabinayo Beerta Tijaabada ee Wasaaradda iyo aqalka cagaaran (Greenhouse-ka) ee ku yaalla magaalada Jowhar.

Ceelkan oo ay Wasaaradda Beeraha hirgelintiisa ka taageertay hay’adda samafalka ee ACF, ayaa kusoo beegmaya xilli ay hoos u dhacday heerka biyaha wabiga Shabeelle, taasoo si weyn u saameysay warabinta beerta cilmi-baarista iyo tan tijaabada ee wasaaradda.

waxa soo jeedinaya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here