Wasaaradda caafimaadka Puntland oo lagu wareejiyay lix gaari oo kuwa gargaarka deg deg ah.

0
68

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka nugaal ayaa lagu qabtay munaasabad wasaaradda Cafimaadka maamulka Puntland kula wareegeysay 6 gaari oo kuwa gurmadka deg dega ah kuwaasi oo aay wasaaradda ku wareejisay Hay’adda PSI.

Munaasabadda gadiidka Ambulance ka lagu wareejinayay ayaa waxaa goob joog ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Cafimaadka Puntland iyo xunbo ka socday Hay’adda PSI oo gadiidka wareejisay.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweys Isaaq.