Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle oo tartan ku soo gaba gabeeysay Baladweyne.

0
56

Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo gaba gabeeyay tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay dhalinyarada cuslatay ee afarta xaafadooda ee magaalada.

Tartankan ayaa waxaa ku guuleystay kooxda xaafadda Kooshin kadib markii rigoorayaal 5-4 ah ay uga badisay dhigeeda xaafadda Xaawo Taako.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle Yusuf Cabdi Faarax, Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Hirshabeelle Cabdirisaaq Maxamed Cabdullahi, iyo guddomiyaha ururka kubadda cagta degmada Baladweyne Ismaaciil Cali Xassan iyo bahda isboortiga ayaa goob joog ka ahaa munaasabaddan koobka lagu guddoonsiinayay kooxda xaafadda Kooshin.

Warbixintan waxaa noo haya Bilaal Daahir Waaney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here