Wasaaradda gargaarka Jubbaland oo solarka ku shaqeeya cadceeda u qeybisay qoysas danyar ah oo ku nool Goob weyn.

0
80

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 100 ruux oo ku nool deegaanka Goob weyn ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa loo qeybiyay soolarka ku shaqeeya cadceeda kaasoo ay bixisay wasaaradda gargaarka iyo mareynta masiibooyinka dowlad goboleedka Jubbaland.

Qof kasta oo ka mid ah dadkan ayaa la siiyay solar, beytarigiisa, iyo lix nal kuwaasoo ay ku xiran doonaan guryahooda, goobahooda ganacsi, waxana mashruucan uu kaalin ka qaadan doonaa horumarinta kobaca dhaqaalaha deegaanka, isku socodka, nabadda iyo waxbarashadda.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey