Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo xaquuqul insaanka Hirshabeelle Xildhibaan Xaliimo Cali Siciid oo u warantay radio Beerlula ayaa ka dalbatay odayaasha dhaqanka inay ilaaliyaan qoondadka haweenka ay ku lee yihiin  dhismaha golaha deegaanka Hirshabeelle.
Xildhibaan Xaliimo Cali Siciid ayaa sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeelle uu yahay maamul goboleedka kaliya ee gabar ka mid tahay guddoonka baarlamanka islamarkana ay dadaal ugu jiran inay helan xubno kale.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Hirshabeelle, xildhibaan Xaliimo Cali Siciid ayaa sidoo kale radio Beerlula u sheegtay in odayasha dhaqanka ay horey uga wada hadalneen in haweenka la siiyo qoondadooda iyadoo ugu baaqday haweenka Hirshabeelle inay dadaal u galan inay helan qoondada ay lee yihiin.
Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.