Wasaaradda waxbarashada Galmudug oo xariga ka jartay iskuulka Farjano oo laga hirgeliyay Caabudwaaq.

0
102

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka waxbarashadda Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore iyo wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jamaac ayaa si wada jir ah xariga uga jaray iskuulka Farjano oo laga hirgeliyay Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadda xariga looga jarayay iskuulkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan Galmudug, maamulka degmada, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

Maamulaha iskuulka Farjano Muuse Maxamed Axmed ayaa ka waramaya qeybaha uu ka kooban yahay iskuulkan.

Warbixintaan waxa soojeedinaysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.