Wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle oo Baladweyne ka daah furtay imtixaanka laga qaaday macalimiinta cusub.

0
177

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka waxbarashadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa magaalada Baladweyne ka daah furay imtixaanka laga qaadayo macallimiinta u tartameysa inay ka mid noqdaan saddex kun oo macallin oo ay qaadaneyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

In ka badan 900 oo macallin ayaa imtixaankan u fariistay, kuwaasoo oo ku kala galaya iskuullada Mujamac iyo Sheekh Maxamed.
Guud ahaan Hirshabeelle imtixaanka maanta waxaa u fadhistay 1400 oo macalin iyadoo tirada loo baahan yahay inay ka soo baxan ay tahay 400 oo macallin oo kaliya.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim