Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle ayaa si rasmi ah u shaacisay xarumaha rasmiga ah ee lagu galayo imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2024–2025.
Xarumaha imtixaanka lagu galaayo ayaa si rasmi ah loo diyaariyay, iyadoo loo eegay amniga, diyaar garowga maamul iyo tirada ardayda, si loo xaqiijiyo in imtixaanku u dhaco si hufan, nabad ah oo cadaalad ku dheehan tahay.
Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Hirshabeelle ayaa nasiib wacan iyo guul weyn u rajeyneysay dhammaan ardayda sanadkaan u fadhiisaneysa imtixaanka



