Wasaaradda Waxbarashada Hirshabelle oo shaacisay xiliga la qaadayo imtixaanka fasalka 8-aad.

0
357

Baladweyne ( Radio Beerlula)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxa ay si rasmi ah u shaacinaysaa in Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad, sanad-dugsiyeedka 2024–2025, uu bilaaban doono maalinta Sabtida ah ee 21-ka Juun 2025, isla markaana uu socon doono ilaa 24-ka Juun 2025.

Imtixaankan oo ah kii lixaad ee mideysan oo ay Wasaaraddu qaadayso, ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo tayada waxbarashada iyo in la mideeyo nidaamka Imtixaanka dhammaan dugsiyada ku yaalla gobollada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabelle.

Warkan waxaa inoo haayo Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here