Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta shaacisay Imtixaan Ardayada Fasalka 8aad ee KGS sanad dugsiyeedka 2024-2025 iayada oo munsaabada lagu shaacinayey aay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kamid ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed macallimiin, waalidiin iyo marti sharaf kale.
wadarta guud ee imtixaanka gashay ayaa ah 15,269 araday waxaana imtixaanka kubaasay 14,592 halka aay kudhaceen 342 arday iyadoona aayna soo xaadiri waayeen 335 arday.
Warbixintan waxaa soo jeedinaa Maxamad Yuusuf Cabdullaahi.


