Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay xiliga la qaadi doono imtixaanka qaranka ee dugsiyadda sare

0
142

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 27-ka bishan May la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Sidoo kale wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa fartay Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo Maamulayaasha inay u diyaar garoobaan Imtixaanka.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare wax ay shaacineysaa in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023, Haddaba waxaa la farayaa Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo Maamulayaasha in ay u diyaar garoobaan Imtixaanka Maalmaha yar ee ka dhiman, guul baan u rajeyneynaa Dhammaan Ardayda Soomaaliyeed.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya.