Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo sheegtay in la xalin doono tabashada ardeyda ee imtixaanka qaranka

0
124

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka waxbarashadda xukuumadda federaalka Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya kuwaasoo ka shaqeyn doonaa sugidda ammaanka imtixaanka qaranka ayaa sheegay in sannadkan imtixaanka qaranka ay u fadhisan doonaan 34 kun oo ardey oo ku kala nool magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Imtixaanka qaranka ayaa lagu wadaa in guud ahaan dalka uu ka bilowdo 27-ka bishan marka laga reebo ardeyda magaalada Baladweyne oo dib loogu dhigay maadaam wali aysan ka soo kabsan sameynta ka dhalatay fatahaada uu geystay webiga shabeelle.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.