Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo sheegtay inay bilaabeyso diwaangelinta macalimiinta

0
270

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in wasaarada ay ka go’an tahay tayeynta waxbarashada islamarkana aqoonta macalimiinta kor loo qaadi doono.

Feysal Cumar Guuleed  ayaa sheegay in wasaarada waxbarashada ay wado qorshe lagu diwaan gilinayo macalimiinta ka howlgala guud ahaan dalka  si macalin kasto oo wax baro ardayda soomaaliyeed ay uga war qabto wasaarada, macalin kastana la siin doono aqoonsi macalinimo kadib marka la hubiyo in uu u qalmo in uu macalin noqdo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in waxii ka danbeeyo 1 janawari dalka uusan ka shaqeyndoonin macalin aan wadan aqoonsiga macalinimo ee wasaarada waxbarashada soomaaliya.

Warbixintan waxaa noo haya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here