Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya oo soo saartay go’aan ku saabsan ardeyda ku biiraya jaamacaddaha

0
158

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka waxbarashadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa bayaan u soo saaray ku sheegay in muddo hal sano ah oo waxbarasho asaasi ah la marsiin doono ardeyda doonaya inay ku biiran jaamacaddaha dalka.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska wasiirka waxbarashadda ayaa lagu sheegay in go’aankan uu dhaqan gali doono laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024.

Sidoo kale bayaankan ayaa lagu sheegay in maaddooyinka lagu baranayo sannadka waxbarashadda asaasiga inay ku jira afka Somaliga, dhaqanka suugaanta, tariikhda iyo afafka carabiga iyo English-ka.

Wasiirka waxbarashadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in ardeydan mudada sannadka laga dhisi doono daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Hab-qoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.