Baladweyne (Radio Beerlula)-Mushkilad guud oo koronto la’aan ah oo ka dhacday dalka Sri Lanka, ayaa lagu eedeeyay daanyeer galay xarun koronto oo ku taalla koonfurta magaalada Colombo ee dalkaas.
Korontada ayaa si tartiib ah dib loogu soo celinayaa dalka jasiiradda ah oo ay ku nool yihiin dad tiradooda guudi gaarayso 22 milyan oo qof, iyadoo mudnaanta la siinayo xarumaha caafimaadka iyo warshadaha sifeeya biyaha.
“Daanyeer ayaa taabtay qalabka shabakadda ah ee korontada ka qaada warshadda, taas oo sababtay in uu go nidaamkii korontada,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta dalkaas, Kumara Jayakody isagoo la hadlayay warbaahinta.
Sri Lanka ayaa la kulantay go’itaan koronto oo baahsan intii lagu guda jiray qalalaasahii dhaqaale ee 2022 kii dhacay.