Wasiir meydkiisa la helay wax yar ka dib markii shaqada laga eryey.

0
189

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddi baaritaan oo Ruush ah ayaa sheegay in wasiirkii hore ee gaadiidka ee Ruushka Roman Starovoit la helay meydkiisa ka dib iyadoo ay u muuqatay inuu isagu is dilay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shaqada ka eryay Starovoit horaantii Isniintii.

Lama sheegin sababaha shaqada looga eryay Starovoit, halka ku xigeenkiisa, Andrei Nikitin, lagu dhawaaqay inuu yahay wasiirka gaadiidka wax yar ka dib.

Guddiga baaritaanka ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen arrimaha shilkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here