Wasiir Talyaani ah oo xilka iska casilay ka dib markii uu la taliye u magacaabay haweeney uu horey u jeclaa

0
54

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirkii dhaqanka ee dalka Talyaaniga ayaa xilka iska casilay ka dib markii uu muran ka dhashay magacaabista haweeney ahayd jacaylkiisii hore oo uu magacabaay la taliye sare, taasoo keentay muran toddobaadyo ah oo ka taagnaa xukuumadda garabka midig ee dalkaasi.

Gennaro Sangiuliano, oo 62 jir ah, ayaa is arkay in u dhexda kaga jiro duufaanta warbaahinta markii Maria Rosaria Boccia – oo ay hore isku jeclaayeen – ay soo dhigtay LinkedIn in loo magacaabay lataliyihiisa “dhacdooyinka waaweyn”.

Markii hore wuu dafiray sheegashada, laakiin waraysi isagoo ilmeyna uu siiyay TV-ga qaranka Arbacadii, Mr Sangiuliano wuxuu qirtay in Ms Boccia oo uu u shaqaaleysiiyay lataliye lacag la’aan ah.

Jimcihii, ugu dambeyntii wuxuu istiqaaladiisa u gudbiyay ra’iisul wasaare Georgia Meloni, laakiin wuxuu beeniyay inuu jabiyay xeerarka wasaaradeed.

Mr Sangiuliano ayaa sidoo kale raali galin siiyay xaaskiisa wareysigii Arbacadii wuxuuna ku andacooday in uu jebiyay xiriirkii uu la lahaa Ms Boccia intii lagu jiray xagaaga. Waxa uu sheegay in uu markii ugu horreysay uu kula kulmay Naples bishii May, ka hor inta aysan saaxiibtinimadoodu u gudbin waxa uu ugu yeeray “xiriir caadifad ah”.