Wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabay oo lagu hor dhaariyay golaha baarlamanka.

0
57

Baladweyne (Radio Beerlula)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir guddoomiyay kulan lagu dhaarinayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labaad ee dalka , xubnaha Wasiiradda cusub iyo Ansixinta la dagaalanka dambiyada abaabulan ee Qaramada Midoobay.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Ayaa qaatay dood lagu ansixinayay la dagaalanka dambiyada abaabulan iyo Baratakooladiisa waxaana u codeeysay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sedax Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Warbixintan waxaa noo haya Bilaal Daahir Waaney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here