Wasiirada ugu muhiimsan Britain oo markii ugu horreysay laga waayay nin caddaan ah

0
155

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’isul wasaaraha cusub ee Britain Liz Truss, ayaa soo xushay gole wasiirro oo markii ugu horraysay nin caddaan ahi aanu qaban doonin mid ka mid ah afarta jago ee ugu muhiimsan ee dalkaas.

Truss ayaa u magacawday Kwasi Kwarteng – oo waalidkiisa ay ka yimaadeen dalka Ghana 1960-meeyadii – in uu noqdo wasiirkii maaliyadda ee ugu horreeyay ee Madow ee Britain, halka James Cleverly uu yahay wasiirkii arrimaha dibadda ee ugu horreeyay oo Madow ah.

Cleverly, oo hooyadiis ay kasoo jeeddo dalka Sierra Leone, aabihiina uu yahay caddaan, ayaa marar hore ka hadlay in la cunsuriyeeyay isaga oo ay iska dhaleen caddaan iyo madow, waxaanu sheegay in xisbigiisu ay tahay inuu wax badan ka qabto sidii uu u soo jiidan lahaa codbixiyayaasha Madowga ah.

Suella Braverman, oo waalidkeed ka yimaadeen Kenya iyo Mauritius lixdan sano ka hor, ayaa bedeli doonta Priti Patel oo ah xoghayaha arrimaha gudaha, ama wasiirka arrimaha gudaha, halkaas oo ay mas’uul ka noqon doonto booliiska iyo socdaalka.