Wasiirka arrimaha gudaha oo dhuusamareeb kula kulmay guddiga qaban qabada shirweynaha dib u heshisiinta Galmudug

0
285

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sh. Maxamed Shaakir  ayaa magaalada dhuusamareeb kulan kula qaatay guddiga loo xil saray qaban qaabada shirweynaha dib u heshisiinta Galmudug oo la filay in 17 bishaan uu ka furmo magaalada dhuuso mareeb ee caasimadda  maamulka galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta qaban qaabada shirweynaha, soo dhaweynta ergada iyo sugidda ammaanka.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow  ayaa sheegay  in beelahada badankood ay soo gudbiyeen ergada uga qayb geleysa shirka, waxa uuna beelaha kale ka codsaday in ay soo gudbiyaan liiska ergada, maadaama shirku uu furmayo August 17, 2019.

Warbixintan waxaa noo heysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here