Wasiirka Caafimaadka Masar oo qaabilaya caruurtii dhicisyada ahaa ee lagasoo daad gureeyay Al-shifa

0
75

Baladwayne ( Radio Beerlula )-28 ka mid ah caruurtii dhiciska ahaa ee shalay laga soo daad gureeyay isbitaalka Al-Shifa ayaa la gaarsiiyey dalka Masar iyaga oo soo maray marinka Rafah.

Dr Moxamed Salama, oo ah madaxa qaybta dhallaanka cusub ee cisbitaalka Al-Ahli Emirate ee Rafah – halkaas oo dhallaankii la geeyey – ayaa BBC-da u sheegay in aanay garanayn halka saxda ah ee carruurtan ay aadayaan marka ay Masar yimaadaan. .

“Guddi ka socda Wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa qaabili doona, ka dibna go’aan ka gaari doona,” ayuu u sheegay BBC-da Carabiga.

Wasiirka caafimaadka Masar ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay garoonka diyaaradaha ee El Arish, oo u dhow xadka Qaza.