Wasiirka waxbarashada XFS oo madaxda Jaamacaddaha Muqdisho kala hadlay tayeynta waxbarashada

0
342

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacadda ku yaalla gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda.

Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sidoo kale madaxda jaamacaddaha kala hadlay sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda iyadoo kaashaneysa bahda waxbarashada markasta ay  ka go’an tayeynta waxbarashada iyo in xirfado loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed ay looga baxo shaqa la’aanta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here