Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirada, arrimaha gudaha,maaliyadda iyo amniga maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee magaalada Baladweyne.
Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed ibraahim Food Cadde iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carale ayaa soo dhaweeyay wafdiga.
Wasiirka maaliyadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in howlo badan oo dan u ah shacabka ay ka qaban doonaan magaalada Baladweyne kuwaasoo horey ay u ballan qaadeen inay fulin doonaan.
Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.