Wasiiro ka tirsan Puntland oo xariga ka jaray biyo xireenka biyo kulule oo laga hirgeliyay magaalada Boosaaso.

0
140

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka wasaarada macdanta, Tamarta iyo Biyaha Caarshe Saciid Awmuuse iyo wasiirka deegaanka iyo isbadalka cimilada Puntland Axmed Yuusuf Labayk ayaa si wada jir ah xariga uga jaray biyo xireenka biyo kulule ee mashruuca Biyoole kaasoo lagu wareejiyay maamulka degmada Boosaaso.

Maamulka degmada Boosaaso, kan gobolka Bari iyo xubno ka socda wakaaladda biyaha Puntland ayaa goob joog ka ahaa xarig jarka biyo xireenkan.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi.