Waxgarad ku kulmay Baladweyne oo dalbaday in wada hadal lagu dhameeyo dagaaladii ka dhacay deegaanno hoos taga degmada Mataabaan.

0
275

Baladweyne( Radio Beerlula)- Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo kulan ku yeeshay  magaalada Baladweyne ayaa si wada jir ah ugu baaqay in wada hadal lagu dhameeyo dagaaladii ka dhacay deeganno hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Waxgaradkan ayaa sheegay in odayaasha labada dhinac ay kala hadleen xalinta coladda islamarkana dhankooda ay door ka qaadan doonaan sidii xal loogu heli lahaa dagaaladii dhaxmaray labada dhinac.

Xaaladda deegannadii lagu dagaalamay ayaa degan iyadoo ay socdan dadaal lagu xalinayo colaadda.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here