Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in
waxgaradka magaalada Baladweyne looga baahan yahay inay ilaaliyaan qoondada
haweenka si looga mira dhaliyo ahmiyadda u leeyahay golaha deegaanka
islamarkana ay ilaa 7 xubnood oo haween ah ku soo daran 27 xubnood ee uu ka
kooban yahay golaha deegaanka loo dhisayo Baladweyne.
Maxamed Cali Caadle ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka ay masuuliyad ka
saaran tahay dhismaha golaha deegaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa hadalkan ka
sheegay munaasabadii lagu daah furayay dhismaha golaha deegaanka Baladweyne
ee lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan.
Warbixintan ayaa waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.