Weerar ka dhacay Mali oo lagu dilay 49 askeri

0
399

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xagjiriin ku sugn dhanka Waqooyi-Bari ee dalka Mali aya weerar ku dilay 49 askeri oo ku sugnaa xero ciidan, sida ay xaqiijiyeen militariga dalkaas oo facebook ku qoray arrinta.

Weerarkan wuxuu ka mid yahay kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhaca, tobankii sano ee la soo dhaafay.

Farriin kale oo ciidamada ay twitter-ka ku daabeceen waxay weerarka ku tilmaameen “mid argagixiso”.

Mali waxaa ka taagan qalalaase, tan iyo 2012-kii, markii maleeshiyaad Islaamiyiin ah ay la wareegeen dhanka Waqooyi ee dalkaas. Militariga Mali oo garab ka helayay ciidamada Faransiiska ayaa dib u qabsaday dhul ballaaran, laakiin amni darada halkeeda ayey ka sii socotaa.

Qalalaasahaas ayaa sidoo kale ku faafay dalalka deriska la ah Mali.

Warbixin kale oo uu soo saaray afhayeenka dowladda, Yaya Sangare, waxaa lagu sheegay in 54 askeri ay weerarka ku dhinteen.

Ciidamadii gurmadka ee la diray waxay la kulmeen “burbur baaxad weyn oo qalabkii askarta loo geystay”, ayuu yiri Sangare.

Ma jirto koox sheegatay weerarka ka dhacay magaalada Indelimane ee gobolka Menaka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here