Weriye Mareykan ah oo lagu xiray Ruushka oo maxkamad la soo taagay

0
126

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxkamad ku taalla magaalada Mosko ee dalka Ruushka ayaa la soo taagay saxafi Mareykan ah oo lagu magacaabo Evan Gershkovich.

Dowladda Ruushka ayaa ku eedesay Evan Gershkovich Fal basaasnimo, eedeyntaas oo si xoog leh u beeniyey isaga iyo wargeyska Wall Street oo uu u shaqeynayey.

Markii ugu horreyesay ee uu maxkamad ka soo muuqado tan iyo markii la xiray ayey ka soo wareegtay saddex toddobad.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in saxafigu isku dayayey in uu gacanta ku dhigo xogo muhiiim ah laakiin sheegashooyinkaas wax caddeymo ah looma keenin.

Waa saxafigii ugu horreeyey ee Mareykan ah ee wajaha eedeymo basaasnimo ah tan iyo xilligii Midowgii Sofeeti.

In ka badan afartan dal oo uu ku jiro Mareykanka ayaa ku baaqay in la sii daayo waxayna ku tilmaameen xarigiisa mid lagu dhibaataynayo saxaafadda .