WhatsApp oo soo kordhineysa hannaan cusub oo farrimaha lagu wadaago tiraya 7 maalmood kaddib

0
294

Baladweyne(Radio Beerlula)-WhatsApp ayaa soo saareysa hannaan cusub oo tirtiraya farriimaha lagu wadaago 7 maalmood kaddib.

Hannaankan oo hore ugu diyaarsanaa qeybta qarsoon ee qoraallada ayaa bishaan Nofeembar noqonaya mid caadi ah oo Barnaamijka WhatsApp si muuqata loogu adeegsan doono.

Marka uu Hannaankan kuu yahay mid daaran (ON) ah farriimaha laguu soo diro WhatsApp-ka si iskood ah ayey u tirmayaan 7 maalin kaddib, tani ayaa ah mid caawineysa ama fududeyneysa in farriimuhu noqdaan kuwo aamin ah oo badbaado leh.

Hannaankan cusub ayaa waxaa loo adeegsan karaa keli keli ama qof la sheekeysanaya qof kale iyo sidoo kale Koox ahaan (Group-yo) qeybta Kooxahana waxaa maamulaya Group Admin-nada ama maamulayaasha Groupka iyaga oo hubinaya in adeegga uu u yahay mid daaran ama (ON) ah.

Farrimaha waxay sii ahaan doonaan kuwo aan la tirin iyadoo ku sii keydsanaanaya qeybta ogeysiinta waa haddii aan la furin farrintaas ama aysan aheyn mid la akhristay xitaa haddii uu habku yahay mid (ON) ah.

Sida caadiga ah Sawirrada lagu wadaago WhatsApp-ka iyo Muuqaaallada waxaa gudaha Mobile-ada loogu dejin doonaa si toos ah xitaa haddii uu adeeggan (ON) kuu yahay ama kuu furanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here