Baledweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 100 milyan oo qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 15 milyan oo carruur ah, ayaa isticmaala sigaarka elektaroonigga ah arrintaas oo sii hurinaysa mowjad cusub oo ah qabatinka nikotiinka sida uu ka digayo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).
Carruurtu waxay celcelis ahaan sagaal jeer kaga dhow yihiin dadka waaweyn inay dhuuqaan ayay xustay, iyadoo lagu salaynayo tirooyinka caalamiga ah ee la heli karo.
Dr Etienne Krug oo ah WHO ayaa sheegtay in sigaarka elektaroonigga ah uu sii hurinayo “mowjadaha cusub” ee qabatinka nikotiinka. “Waxa loo suuq geeyaa dhimista waxyeellada, laakiin,dhab ahaantii waxay carruurta ku soo dabaan nikotiinta xilli hore, waxayna halis u yihiin inay wiiqaan tobannaan sano oo horumar ah” ayey tiri.
Agaasimaha guud ee WHO, Dr Tedros, ayaa ku eedeeyay warshadaha tubaakada inay “si ba’an u beegsadaan” dhalinyarada.
Sigaarka elektaroonigga ah ee E-cigarettes ma laha tubaako, kamana soo baxo daamur (Tar) iyo Kaarboon oo ah laba maaddo oo keena dhaawaca lagala kulmo dhuuqista tubaakada, hase yeeshee waxaa ku jira Nikotiin oo ah maaddo la qabatimo.


