Baladweyne ( Radio Beerlula )- Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Harare kadib markii lagu eedeeyay in uu waxyeello u geystay baabuur yaallay goob ay ka socotay xaflad, sida uu ku warramay wargeyska dowladda ee Herald.
Waxay u badan tahay in Robert Mugabe Junior lagu soo oogi doono dacwad ah in uu burburiyay hanti, sida uu sheegay wargeyska.
Wiilka Mugabe iyo qareenkiisa kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto warar madaxbanaan oo xaqiijinayo arrintani.