Wiilka Madaxweyne Biden oo maxkamad la soo taagayo

0
114

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wiilka madaxweyne Joe Biden, Hunter Biden ayaa 26-ka July kasoo hor muuqan doona maxkamad federal oo ku taalla gobolka Delaware, si uu u wajaho dacwado la xiriira canshuur iyo hub, waxaa sidaas Arbacadii lagu sheegay dokumenti maxkamadeed.
Waaxda Cadaaladda ayaa Talaadadii sheegtay in Hunter Biden, oo 53 jir ah, uu ogolaaday inuu qirto dambiga laba dacwad oo fudud.
Dambiga koowaad ayaa la xiriira inuu ku guuldarreystay inuu bixiyo canshuurta dakhli soo galay, halka midka labaad uu yahay haysashada hub xilli jirkiisu daroogeysnaa.
Heshiiska qirashada dambiga labaad ee la xiriira hubka ayaa Biden ka weecin doonta in lagu soo oogo dambi weyn oo federal, oo uu xabsi ku gali karo.
Dhageysiga Maxkamadda ee la waqtiyeeyey ee 26-ka July ayaa noqon doonta mid uu Hunter si rasmi ah ugu wajaho dacwadaha islamarkaana ku galo heshiiska ay wada gaareen Waaxda Cadaaladda.
Heshiiska, oo la gaaray kadib baaritaan federaal oo muddo socday, ayaa waxaa weli qasab ah inay ansixiso garsooraha maxkamadda federalka ee Delware Maryellen Noreika.
Warka ku saabsan heshiiska ayaa dhaliyey caro ka timid xubnaha Jamhuuriga oo ku saabsan in si eex leh loola dhaqmayo wiilka madaxweynaha Dimoqraadiga ah.