Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeygii Arsenal iyo Chelsea ee William Gallas ayaa tilmaamay saddex ciyaartoy oo dhamaantood ah difaacyahanno oo ay u baahan tahay Arsenal inay la saxeexato xagaaga, si ay ugu dagaallami karto horyaalka Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedka dambe.
Maqnaanshaha William Saliba oo dhaawac ah ayaa noqotay sababta ugu weyn dhibaatooyinka Arsenal, iyadoo Rob Holding oo beddelay uu qaban kari waayey shaqadiisii oo kale.
William Gallas oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi: “Arsenal waxay xilli ciyaareedka dambe ka qayb-gelaysaa Champions League. Waa tartan weyn oo uu qof walba doonayo inuu ciyaaro. Waxay ila tahay Arsenal waxay u baahan tahay in hal ciyaartoy oo khibrad leh ay kusoo daraan difaacood.
“Intaas kaddib, waxay tahay in Arteta uu hubiyo in kooxda uu u sameeyo dheellitirka saxda ah iyo inuu ciyaartoydiisa isku bedbeddeli karo, si ay ugu tartami karaan Champions League iyo Premier Legue.
“Haddii aad eegto dhinaca bidix, anigu ma hubo waxa ku dhacaya Kieran Tierney xagaaga, laakiin haddii uu tago, waxay u baahan doonaan inay kusoo kordhiyaan safkooda ciyaartoy kalae oo la tartama Zinchenko.
“Waxa uu u baahan yahay cadaadis badan. Ilama aha in uu yahay difaacyahan sare, laakiin waxaynu dhamaanteen ognahay waxa uu samayn karo marka uu kubadda haysto. Waxa kale oo ay Arsenal u baahan tahay difac midig oo heerkiisu sarreeyo.
“Xili ciyareedkan, Ben White ayaa caawyey booskaas oo si aad ah u shaqeeya kulamada kooxaha yaryar, laakiin marka ay noqotay kooxaha waaweyn, way ku adkaataa inuu hore u socdo, waxaanu sameeyaa qaladaad badan oo difaac.”