William Saliba Oo Laga Saaray Liiska Xulka Qaranka France

0
93

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga kooxda kubadda cagta Arsenal ee William Saliba ayaa laga saaray xulka qaranka France, kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii ay guusha kasoo gaadheen Manchester City oo ay 1-0 kaga badiyeen maanta, taas oo ay kusoo afjareen, toddoba sannadood oo aanay Gunners ka badinin City kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

William Saliba ayaa ciyaarta dhamaystay isaga oo dhaawac ah oo xanuun dareemaya, waxaana goordhoweyd la shaaciyey in laga saaray xulka qaranka France ee kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee usbuucan dhamaadkiisa iyo toddobaadka dambe.

 

Qoraal kooban oo lasoo dhigay Twitter-ka ayaa lagu sheegay, in William Saliba laga saaray xulka qaranka France oo lagu beddelay Jean-Clair Todibo oo u ciayara Nice, waxaana la sheegay in Saliba uu dhaawacu kasoo gaadhay suulka lugta midig.

Dhakhaatiirta Arsenal ayaa toddobaadka soo socda ku daaweyn doona garoonka London Colney ee Arsenal, si ay uga caawiyaan in uu soo kabto ka hor inta aan lagu soo noqonin horyaalka Premier League ee toddobaadka fasaxa ah gelaya.