Baladweyne (Radio Beerlula )-ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulaahi Xaaji Xasan oo uu Wehliyo Safiirka Dowladda Qadar ufadhiya Soomaaliya Mudane Xasan Xamza ayaa Xariga ka jaray Xaafada Barwaaqo ee Magaalada Baydhabo oo Qaab Casri ah loo Dhisay
Xaafada Barwaaqo oo dhismaheeda iska kaashadeen Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowlada Qadar ayaa loo dhisay Qaab Casri loona dhamaystiray Adeeg Waliba oo laga helayo Xaafadda haddii ay noqon laheed Adeegyada Aas-Aasiga ah Sida Xarumaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.
Audio Player
