Xaalada Pierre-Emerick Aubameyang Ee Chelsea Oo Heegan Galisay 3 Kooxood Oo Waaweyn.

0
153

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Barcelona,Atletico Madrid iyo AC Milan ayaa dhamaantood heegan ku jira kadib markii uu Pierre-Emerick Aubameyang ka reebay liiska chelsea ee tartanka champions League.

Labada kooxood ee reer Spain iyo Ac Milan ayaa Chelsea wax ka waydiiyay saxiixa xiddiga in ay heli karaan suuqa xagaaga kadib markii Aubameyang laga reebay Liiska champions league.

Barcelona ayaa dooneysay inay dib ula soo wareegto Aubameyang bishii kadib markii uu wakhti fiican ku soo qaatay Camp Nou laakiin Barcelona ayaa ka wal-walsanayd xaalada dhaqaale wanaaga.

Aubameyang Ayaa xirfadiisa ciyaareed ku bilowday kooxda Ac Milan waxana uu sidoo kale gool ka dhaliyay Milan labadii kulan ee wareegii Group-yada tartanka champions League.

Kooxaha Barcelona, Atletico Madrid iyo Ac Milan ayaa haatan qorshaynaya in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer Gabon dhamaadka xilli ciyaareedkan.