Xaaladda ilmaha aan ku dhalan waqtigooda ee ku jira isbitaallada Qasa oo laga dayrinayo.

0
90

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-In ka badan 20 caruurra oo hadda dhalatay oo lagu hayo saalada qaliinka ee isbitaalka Al-Shifa, ayaa laga cabsi qaba inay geeriyoodan sida ay sheegeen dhaqaatiirta Qasa.

Qaybbta dhalooyinka lagu hayo caruurta aan xiligooda ku dhalan ayaa shaqadeeda joojisay sababo la xiriirra koronto la’aan, sida ay sheegayaan dhakhaatiirtu.

“Waxan ka baqayaa haddaan caruurta halkan uga tagno xaaladdan, in aan ogolaanay in ay dhintaan waa ilmo aan waqtigooda ku dhalan”, ayuu ku yiri Dr Marwaan Abuu Saada oo ah madaxa qaliinka ee isbitaal.

Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee QM u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in hal cunug lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba.