Xaalado cusub oo cudurka karoona oo laga helay Muqdisho iyo Koonfur Galbeed

0
358

Baladweyne(Radio Beerlula)-Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah oo 13 kamid ah ay rag yihiin 6-na ay haween yihiin. 11 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.

18 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, hal bukaanna Koonfur Galbeed.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 601, waxaana guud ahaan ka bogsooday 31 Ruux. 28 ruux ayaa dalka ugu geeriyootay cudurkaan.

Waa maalintii ugu horreysay ee tira dhan 11 ruux ay ka bogsooto cudurkaan, waana maalintii 2-aad ee aan dalka laga diiwaan gelin geeri cusub oo uu sababay COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here