Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xaaska Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al Asad ee u dhalatay Britain ayaa lagu soo waramaya inay dalbatay furiin iyadoon dooneysa inay dib ugu laabato UK.
Warbixinno ay qoreen warbaahinta Turkiga ayaa sheegayey in Asma al Assad ay dooneyso in la soo afjaro guurkeeda oo Ruushka ay iskaga tagto, halkaasoo ayada iyo saygeeda magangalyo laga siiyey ka dib markii isbahaysiga mucaaradka ay xukunka ka tuureen madaxweynihii hore , ayna la wareegeen gacan ku haynta Dimishiq.
Asma Al Assad ayaa haysata labada dhalasho ee Suuriya iyo Britain, laakinse xoghayaha arrimaha dibadda ee UK wuxuu hore u sheegay in aan loo ogolaan doonin in ay dib ugu soo laabato Britain.
Isagoo la hadlayey baarlamaanka, horraantii bishan, ayaa David Lammy wuxuu yiri “waxaan doonayaa in aan xaqiijiyo in xayiraad shaqsi ahaaneed la saaray, oo aan laga soo dhoweyn doonin halkan UK”.
Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in reer Assad ay ku nool yihiin xayiraad aad u adag, magaalada caasimadda u ah Ruushka ee Mocow.