Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland, Mudane Cabdiwali Xusein Jaamac, oo ay weheliyaan maamulka degmada Dhobley iyo masuuliyiin kale oo ka socday Jubbaland, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarun cusub oo ay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ugu talagashay odayaasha dhaqanka ee la shaqeeya hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka dowladda Jubbaland, gaar ahaan degmada Dhobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa ka qeybgalay munaasabadda xarig jarka masuuliyiin kamid ah Wasaaradda waxgarad iyo maamulka Degmada
waxa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


