Xafiiska xalinta khilaafaadka magaalada Ceel-Afweyn oo la daah furay.

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula)-Wasaaradda cadaaladda Somaliland ayaa magaalada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ka hirgelisay xafiiska xalinta khilaafaadka oo loogu talo galay in lagu xaliyo khilaafaadka inta badan soo kala dhax gala bulshada.

Furitaanka xafiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda cadaalada Somaliland, guddoomiyaha gobolka Sanaag, maamulka degmada Ceel-Afweyn iyo odayaal dhaqameed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.