Xamaas oo diidday inay hubka dhigto shuruud adagna ku xirtay

0
109

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xamaas waxay mar kale xaqiijisay inaysan oggolaan doonin inay hubka dhigto ilaa la aasaaso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, taasoo ay uga jawaabayso mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee Israa’iil ku xirtay wadaxaajoodka xabbad-joojinta ee Qasa.

Kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ayaa sheegtay inay ka jawaabayso hadallo ay ku sheegtay inuu yiri wakiilka Bariga Dhexe ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff, kaasoo sheegay in Xamas ay “muujisay diyaar garowgeeda” inay hubka dhigto.

Isras’iil l waxay u aragtaa in hub ka dhigista Xamas ay tahay mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee heshiis kasta oo lagu soo afjaro colaadda.

Wadaxaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa’iill iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ayaa hakaday toddobaadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here