Xamaas oo diyaar u ah inay iska wareejiso Qasa

0
96

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirrada arrimaha dibadda ee siddeed waddan oo Muslim ah (Boqortooyada Urdun, Isutagga Imaaraadka Carabta, Indonesia, Jamhuuriyadda Turkiga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dawladda Qatar iyo Masar iyo Pakistan, ayaa bayaan wadajir ah oo ay maanta si wadajir ah u soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen tallaabooyin wax ku oolka ah oo ay qaadeen Xamaas oo jawaab u ah soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee lagu joojinayo dagaalka Qasa.

Soo jeedintu waxay ku baaqaysaa in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, isla markaana la bilaabo wada xaajood degdeg ah oo ku saabsan qaabka loo hirgelin karo qorshaha.

Wasiirrada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale soo dhaweeyay baaqii Madaxweyne Trump ee ahaa in Israa’iil ay si deg deg ah u joojiso duqeynta oo ay billowdo dhaqan-gelinta heshiiska is dhaafsiga maxaabiista.

Wasiirrada arrimaha dibadda ayaa ammaanay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Trump inuu nabad ka sameeyo gobolka, iyagoo sheegay in horumarradii u dambeeyay ay fursad dhab ah u tahay xabbad-joojin dhammaystiran oo waarta taasoo wax ka qabanaysa dhibaatada bini’aadantinimo ee soo food saartay dadka Qasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here