Xanuunka halista ah oo laga helay Joe Biden.

0
132

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden, oo 82 jir ah, ayaa laga helay kansarka qanjirka borostaatada, kaasoo ku faafay lafihiisa, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii.

Biden, oo xafiiska ka tagay bishii Janaayo, ayaa xanuunkan laga helay Jimcihii ka dib markii uu arkay dhakhtar toddobaadkii hore isagoo isku arkay calaamado la xiriira kaadida oo isa soo tarayay.

Biden iyo qoyskiisa ayaa la sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan xulashooyinka noocyada daawaynta. Xafiiskiisu wuxuu intaa ku daray in kansarku uu ahaa mid xasaasi ah oo hormoonka ah, taasoo la micno ah inay u badan tahay in la maareyn karo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social kusoo qoray in isaga iyo marwada koowaad Melania Trump “ay ka xun yihiin inay maqlaan xanuunka dhowaan laga helay Joe Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here