Xanuunka kaduudiyaha oo fara ban ku haya dalka Shiinaha.

0
154

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 7,000 oo kiis oo fayras ay kaneecadu sababto ah ayaa laga soo sheegay gobolka Guangdong ee Shiinaha tan iyo bishii Luulyo, taasoo keentay in Shiinuhu qaado tallaabooyin la mid ah kuwii intii lagu jiray xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Magaalada Foshan city, oo uu aad u haleeyay xanuunkan chikungunya ama kaduudiye, ayay bukaannadu ku qasban yihiin inay isbitaallada joogaan, halkaasoo sariirahooda lagu xiray maro kaneeco. Waxaa keliya isbitaalka laga saari karaa marka la baaro lagana waayo xanuunka kadib muddo hal toddobaad ah oo ay joogeen isbitaalka.

Xanuunkan oo ay sababto qaniinyada kaneeco xanuunsan, ayaa wuxuu sababaa qandho iyo xanuun kala goysyada ah, waxaana laga yaabaa inaad muddo sanado ah isku aragto calamadaha.

Inkastoo uu dhif ku yahay Shiinaha, kaduudiyaha ayaa wuxuu inta badan ka dillaaca koonfur bari Aasiya iyo qeybo ka mid ah Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here