Xaqiiqo Loo Diiwaangeliyay James Milner Oo Ceeb Ku Ah Manchester United

0
93

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xiddigii hore ee Liverpool iyo Manchester City ee James Milner ayaa jabiyey rikoodh cajiib ah ciyaartii Manchester United ee Sabtidii ay kooxdiisa Brighton guusha 3-1 ah kaga soo gaadhay Old Trafford, taas oo uu ku galay taariikhda horyaalka Premier League.

James Milner ayaa noqday ciyaartoyga guulihii ugu badnaa ka gaadhay Manchester United taariikhda Premier League, taas oo fadeexad ku noqotay Red Devils.

37 jirkan ayaa beddel kusoo galay dhamaadka ciyaarta oo ay 13 daqiiqadood ka hadhsan yihiin Sabtidii, iyadoo waqtigaas ciyaartuna maraysay 3-1 oo ay shabaqa soo taabteen Danny Welbeck, Pascal Gross iyo Joao Pedro.

Guushan ayaa ka dhigan in kooxo uu ku jiro James Milner ay 11 jeer garaaceen Manchester United isaga oo ciyaaraya oo garoonka ku jira, waxaana uu sidaas ku noqday ciyaartoygii ugu xumaa ee guul-darrooyinkiiugu badnaa u xambaariyey Manchester United.

Milner ayaa noqday xiddiga ugu xun ee Man United ka horimaado isagoo ka jagadaas kala wareegay halyeeyga Liverpool Steven Gerrard, xiddigii hore ee Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo City Nicolas Anelka.

Sida ay sheegtay Opta, xiddig khadka dhexe ayaa dhinac ka qabtay rikoodhka xiddiga guulaha ugu badan ku gaaray Old Trafford isagoo ku badiyay lix jeer, waana ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Old Trafford ku badiya isagoo afar kooxood u ciyaaraya – Aston Villa, Man City, Liverpool iyo haatan Brighton.

Wadar ahaan, Milner ayaa United ka hortimid 35 kulan oo Premier League, 11 guul, 10 barbaro iyo 14 guuldarro isagoo dhaliyay seddex gool iyo afar caawin.