Xarumaha quraan saarka iyo midaawaadka dhirta oo ku soo badanaya Baladweyne

0
326
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku soo badanaya  xarumaha Qur,aan saarka iyo midaawaadka Dhirta.

Xarunta quraan  saarka iyo madaawada dhirta Beeytul shifa oo ku taalla xaafadda Buundo weyn ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa soo gaaray culumaaudiin iyo dhaqaatiir ka timid magaalada Muqdisho.

Maamulaha Xarunta Qur,aan saarka iyo midaawaadka Dhirta Beeytul Shifa Macalin Cabdulaahi Faarax Tifoow ayaa bogaadiyay imaanshaha culumaaudiinka iyo dhaqaatiirta isagoo sheegay in bulshada ay u qaban doonaan adeegyo kala duwan.

Cabdulahi muqtaar xasan  iyo Maxamad Dinix oo ka mid ah culumaaudiinka iyo dhaqaatiirta soo gaaray Baladweyne islamarkana ka howlgali doona xarunta quraan saarka iyo midaawadka dhirta Beeytul Shifa ayaa ka waramaya waxyabaha ay bulshada u qaban doonaan.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here