Baledweyne ( Radio Beerlula )-Mayir ku-xigeenka Degmada Sheekh iyo Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Saaxil ayaa si rasmi ah u daahfuray xarumo caafimaad oo muddooyinkii la soo dhaafay xirnaa sababo farsamo awgood.
Xarumahan caafimaad ayaa dib u helay qalab iyo adeegyo cusub oo caafimaad, kuwaas oo lagu taageerayo bulshada deegaanka si ay u helaan adeeg caafimaad oo hufan, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka danyarta ah.
Waxa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey


