Xarun ay ku shaqeyn doonto maxkamadda degmada Walaweyn oo la dhagax dhigay

0
151

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka koofur galbeed iyo maamulka degmada Walaweyn ayaa dhagax dhigay xarunta ay ku shaqeyn doonto Maxkadda degmada walaweyne ee gobolka Shabeelaha hoose.

Gudoomiyaha degmada Walaweyn Cabdixakiin Cabdullahi MaXamed ayaa soo dhaweyay dhagax dhiga xarunta maxkamada degmada waxana uu maamulka koofur galbeed uga mahadceliyay dhagax dhiga xarunta maxkamada taasoo uu sheegay in ay baahi weyn u qabeen.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed