Baladweyne ( Radio Beerlula )-Gudoomiye kuxigeenka degmada Garoowe Mohamed Cali Xamari ayaa maanta dhagax dhigay Dhismaha xarun Caafimaad oo laga hirgaliyo xaafada Hodan ee magaaladasi.
Munaasabadda Dhagax dhiga xaruntaan Caafimaad ayaa waxaa ka qayb galay qaar kamid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Degmada Garowe, Agaasimayaasha waaxyaha Qorshaynta, Arrimaha bulshada ee dowladda hoose Goowe, Mas’uuliyiin ka socdey Wasaaradad Caafimaadka, Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Al-Xikma Charity iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Xaafada Hodan Garoowe.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.


